|
Boosaaso, (insidesomalia.org)- Xaflad lagu maamuusayay 10-guuradii kasoo wareegay markii dhidibada loo taagay Puntland ayaa ka dhacday Boosaaso, iyadoo xafladdaas uu ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland ee xiligaan Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde).
Sidoo kale xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne fara badan oo ku nool Boosaaso, kuwaasoo aad ugu riyaaqsanaa xafladda lagu maamuusayay aasaaskii Puntland, waxayna sheegeen in Puntland ay ku talaabsatay horumar intii ay jirtay.
Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse oo hadal u jeediyay kasoo qaybgalayaashii xafladda ayaa sheegay inay ahayd in xaflad weyn loo sameeyo 1-da August, balse aysan dhicin oo ay tan sameeyeen.
"Puntland waxay ku talaabsatay intii ay jirtay horumar la taaban karo, iyadoo waxaana u sheegayaa dadkii is lahaan Puntland ma jirayso oo way baaba'aysa inay jirto oo ay 10-sano jirsatay" ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse.
Gen. Cadde Muuse wuxuu sheegay in Puntland laga qabanqaabin doono doorashooyin ayna socon doonaan howlaha lagu baarayo shidaalka iyo sidoo kale soo saariddiisa.
Puntland ayaa la aasaasay 1, August, 1998. iyadoo Madaxweynihii ugu horreeyay uu ahaa Madaxweynaha hadda ee Jamhuuriyadda Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana labadii sano ee ugu dambeysay ka taagnaa gobollada Puntland ay maamusho amaan xumo.
|